Wasiir Xukuumadda Somalia katirsan oo Gaarigiisa lagu qarxiyay Muqdisho [XOG]

Image

MUQDISHO, Somalia - Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa cida iska leh Gaari nooca aan xabadda karin [Bullet-proof] oo shalay lagu qarxiyay afaafka hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo ku taalla nawaaxiga Zoobe.

Macluumaad uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Gaariga uu leeyahay Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka Somalia, iyadoo uu siiyay Xildhibaan Cartan kadib markii wasiirka uu noqday.

Gaariga ayaa dhowr maalmood kahor la geeyay Garaasha ku yaalla Muqdisho, balse lama oga in qaraxa halkaasi looga soo xiray iyo inkale, balse waxaa socda baaritaan ay wadaan hay'adaha amniga dowladda.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gudaha Gaariga, maadaama uu yahay kuwa aan xabadda-karin, waxaana falkan uu dhalilay shaki ah inuu jiray shiqool la doonayay in lagu khaarijiyo wasiir Xamza.

Wasiirka lama uusan socon Gaariga xilliga qaraxa, balse waxaa ku dhintay Darawalkiisa.

Wali hay'addaha amniga dowladda ma aysan bixin fahfaahino la xiriira qaabka qaraxa loogu xiray gaariga Wasiirka, laakiin Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

Xamza ayaa xilka wasiirnimo loo magacabey bishii May ee 2018, isagoo bedelay Maryan Qaasim oo is-casishay 2017, kadib markii ay sheegtay in shaqooyinka xafiiskeeda loo madax-baneyn waayay, oo lagu farageliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM