Wasiir katirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inuu xilka iska-casilay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka, islamarkaana uu doonayo inuu u tartamo kursiga Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Is-casilaadda Wasiiru dowlaha ayaa timid kadib markii Gudiigan qaban-qaabada Doorashada Afhayeenka Baarlamanka uu sheegay in Wasiirada katirsan Xukuumadda laga doonayo marka hore inay iska-casilaan xilka wasiir-nimo hadii ay u tartamayaan kursiga.

Maanta ayaa laga doonayaa in ay is-diiwaan-geliyaan Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, kuwaasi oo ay kamid yihiin labo Wasiir oo kala ah Gaashaandhigga iyo Biyaha iyo Tamarata.

Doorashada xilka Gudoomiyaha oo lagu wado inay dhaco 30-ka bishan ayaa waxaa loogu jiraa tartan adag, iyadoo ay isku soo sharaxeen siyaasiyiin Xildhibaanno ah oo kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Wasiirka Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa kahor yimid is-casilaadda laga dalbanayo Wasiiradda doonaya inay ka qeybgalaan doorashada gudoonka Baarlamaanka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM