Wasiir katirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inuu xilka iska-casilay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka, islamarkaana uu doonayo inuu u tartamo kursiga Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Is-casilaadda Wasiiru dowlaha ayaa timid kadib markii Gudiigan qaban-qaabada Doorashada Afhayeenka Baarlamanka uu sheegay in Wasiirada katirsan Xukuumadda laga doonayo marka hore inay iska-casilaan xilka wasiir-nimo hadii ay u tartamayaan kursiga.

Maanta ayaa laga doonayaa in ay is-diiwaan-geliyaan Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, kuwaasi oo ay kamid yihiin labo Wasiir oo kala ah Gaashaandhigga iyo Biyaha iyo Tamarata.

Doorashada xilka Gudoomiyaha oo lagu wado inay dhaco 30-ka bishan ayaa waxaa loogu jiraa tartan adag, iyadoo ay isku soo sharaxeen siyaasiyiin Xildhibaanno ah oo kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Wasiirka Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa kahor yimid is-casilaadda laga dalbanayo Wasiiradda doonaya inay ka qeybgalaan doorashada gudoonka Baarlamaanka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM