Wasiir ku xigeen isku day dil kaga badbaaday magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Cabdinaasir Saciid Muuse [Bahaay], ayaa lagu waramay in uu ka badbaaday qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Weerarka oo loo adeegsaday miino lagu soo qariyey bac ayaa waxaa laga soo wariyey nawaaxiga maqaayada Creams. Saddex qof oo shacab ahaa ayaana ku dhaawacmay falkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in hal askari oo kamid ahaa ilaalada wasiir ku xigeenka uu ku geeriyooday falkaas aysan jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadiisa.

Mr Bahaay oo aan wali ka hadlin qaraxa la doonayey in nolosha lagu dhaafiyo ayaa waxaa la xaqiijiyey in waqtiga uu weerarku dhacayey uusan la socon gaariga.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa looga bartay dhacdooyinka noocaan ah, waxaana ay ku beegsadaan mas'uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka kale ee ka dhow madaxda dalka.

Illo dhanka amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in miinada la dhigay guri uu dhisme ku socday oo ku yaala isgoyska Taleex ee ku dhow aargada mashquulka badan ee KM4.

Qaraxyadda ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey Muqdisho. Asbuucii hore, weerar is-miidaamin waxaa ka badbaaday taliyaha ciidamada milatariga, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Sidda lagu sheegay warbixin dhanka ammaanka ah, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadkan 2020 fuliyey 281 weeraro ah iyo 103 dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM