Wasiir loo diiday inuu galo Garoonka Diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Somalia Maryan Qaasim ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM u diideen inay gasho Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Maryan Qaasim ayaa barteeda Twitter-ka waxay kusoo qortay in is-hortaag lagu sameeyay iyada iyo shaqaalaheeda xilli ay doonayeen inay kulan kula yeeshaan Garoonka Safiirka ururka Midowga Yurub.

"Waxaan ku shaqeynaynaa xaalado adag iyo duruufo kala duwan oo dalka ka jira, balse cudur-daar uma noqon karto taasi waxaan maanta kala kulmay ciidanka AMISOM," ayay yiri Dr Maryan Qaasim Axmed.

Waxay sheegtay Maryan Qaasim in aan la aqbali karin hab-dhaqanka xun ee ay kala kulmeen iyada iyo shaqaalaheeda askarta AMISOM ee ku sugan Irida Madina Gate, ee laga galo xarunta Xalane.

Taliska AMISOM wali kama aysan hadlin eedaynta iyo sababta ay ugu diieen Wasiir Dr Maryan Qaasim galista xarunta Xalane, oo ku taalla gudaha garoonkaa diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM