Wasiir loo diiday inuu galo Garoonka Diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Somalia Maryan Qaasim ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM u diideen inay gasho Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Maryan Qaasim ayaa barteeda Twitter-ka waxay kusoo qortay in is-hortaag lagu sameeyay iyada iyo shaqaalaheeda xilli ay doonayeen inay kulan kula yeeshaan Garoonka Safiirka ururka Midowga Yurub.

"Waxaan ku shaqeynaynaa xaalado adag iyo duruufo kala duwan oo dalka ka jira, balse cudur-daar uma noqon karto taasi waxaan maanta kala kulmay ciidanka AMISOM," ayay yiri Dr Maryan Qaasim Axmed.

Waxay sheegtay Maryan Qaasim in aan la aqbali karin hab-dhaqanka xun ee ay kala kulmeen iyada iyo shaqaalaheeda askarta AMISOM ee ku sugan Irida Madina Gate, ee laga galo xarunta Xalane.

Taliska AMISOM wali kama aysan hadlin eedaynta iyo sababta ay ugu diieen Wasiir Dr Maryan Qaasim galista xarunta Xalane, oo ku taalla gudaha garoonkaa diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM