Wasiir: Maraakiibta China waxay guranayaan wixii tankooda ah Kaluunka Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Dowlada Somalia ayaa dhowaan Ururka Iskaashiga kalluumeysatada Shiinaha siisay rukhsad/ogolaansho, kaasoo ay ku jilaaban karaan kalluunka Tuunaha, oo qani ku ah biyaha wadanka.

Wasiirka Kalluumeysiga xukuumada Somalia, Cabdullaahi Bidhaan oo dhowr jeer ka hadlay ayaa difaacay qandaraaska, isagoo carabka ku adkeeyay inuu yahay mid dalka ay ugu jirto faa’ido fara badan.

Heshiiskaan ayaa kusoo beegmaya xili dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada wali heshiis rasmi ah ka gaarin qeybsiga Khayraadka badda sidoo kalena uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed.

"Tuunaha waa mid guur-guura...waxaana ku biirnay ururada ku midoobay sanadkaan..marka qoondo kuma lihin...sidaasi awgeed waxay guran karaan, wixii tankooda ah, balse, meelaha ay tagayaan waxaa kaliya laga helaa tuunaha, mana ka jilaaban karaan Aagaga ay joogaan kaluunka kale…dad Soomaaliyeed oo u tababaran iyo qalab inoo yaalo ayaan kula soconeynaa dhaqdhaqaaqooda," ayuu yiri Wasiir Bidhaan, oo wareysi siiyay TV-ga BBC Somali.

Lama shaacin qiimaha lacagta dowladda ka helayso heshiiska ay u saxiixday Shirkaddaha Shiinaha iyo waqtiga uu socon doono kalluumeysigooda xeebaha dalka.

Somalia oo kamid ah dalalka ugu xeebta dheer Africa ayaa leh khayraad ku jira badeeda, oo aan si wanaagsan shacabka looga faa'ideynin 25 sano ee lasoo dhaafay, sababo la xiriira dowlad la'aanta iyo dagaalladii sokeeye.

Waxaa xeebaha ka jira kalluumeysi sharci darro ah, oo ay ka wadaan Maraakiib iyo doonyo intooda badan laga leeyahay dalalka Asia, iyadoo aysan lahayn ciidamo badeeda awood u leh inay xaalufka kaluunka kahor tagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM