​Wasiir Nuux oo mar kale tartamaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudiga Doorashada Somalia ayaa sheegay in Kursigii lagu celiyay Maamulka Hir-Shabelle maanta lagu dooranayo magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka.

Lix Murashax oo uu kamid ah Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Sports Maxa'ed Cabdullaahi Xasan Nuux  ayaa u tartamayo Kursiga Beesha Gugundhabe (Jidle), oo muran xooggan iyo isqab-qabsi uu ka taagnaa.

Beesha caalamka ayaa diiday inuu Wasiir Nuux u tartamo Kursiga Beeshiisa Jidle, kadib markii uu Rabashado ay dad ku dhaawacmeen ka sameeyay Hoolka Doorashada Magaalada Jowhar.

Wasiir Nuux, oo horeyba Gudiga Doorashada u siiyay Shahaadada Xildhibaanimo ayaa la filayaa inuu kusoo baxo Doorashada ka dhacaysa Muqdishu, maadaama uu taageero ka helayo Vill Somalia.

Kuraasta dib loo celiyay ayaa waxaa mar labaad kusoo laabanayo isla Murashaxiintii markii hore loo diiday inay u tartamayaan, waxaa kamid ah Cabdulqaadir Gaafow oo la dhashay Taliyaha NISA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM