​Wasiir Nuux oo mar kale tartamaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudiga Doorashada Somalia ayaa sheegay in Kursigii lagu celiyay Maamulka Hir-Shabelle maanta lagu dooranayo magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka.

Lix Murashax oo uu kamid ah Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Sports Maxa'ed Cabdullaahi Xasan Nuux  ayaa u tartamayo Kursiga Beesha Gugundhabe (Jidle), oo muran xooggan iyo isqab-qabsi uu ka taagnaa.

Beesha caalamka ayaa diiday inuu Wasiir Nuux u tartamo Kursiga Beeshiisa Jidle, kadib markii uu Rabashado ay dad ku dhaawacmeen ka sameeyay Hoolka Doorashada Magaalada Jowhar.

Wasiir Nuux, oo horeyba Gudiga Doorashada u siiyay Shahaadada Xildhibaanimo ayaa la filayaa inuu kusoo baxo Doorashada ka dhacaysa Muqdishu, maadaama uu taageero ka helayo Vill Somalia.

Kuraasta dib loo celiyay ayaa waxaa mar labaad kusoo laabanayo isla Murashaxiintii markii hore loo diiday inay u tartamayaan, waxaa kamid ah Cabdulqaadir Gaafow oo la dhashay Taliyaha NISA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM