Wasiir Saqar oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda ugu sareysa ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka qayb-gashay Salaada Janaasada ee lagu tukaday wasiir ku xigeenkii Shaqada iyo arrimaha bulshadda.

Madaxwayn Farmaajo, ra’iisul wasaare Khayre, xubno kamid ah gollaha wasiirada, xildhibaano iyo qoyska marxuumka ayaa kasoo muuqday Salaada Janaasada oo lagu oogay gudaha Madaxtooyada.

Salaada Janaasada kadib, wasiir Saqar ayaa lagu aasay qubuuraha isbitaalka Madiina ee magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla, oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka, ayaa kamid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud.

Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa galay dhismaha kadib markii is-miidaamin ay ka dhacday albaabka xaruntaasi oo ay ku dhow dahay dhismaha sida wayn loo ilaaliyo ee sirdoonka Soomaaliya.

Ugu yaraan 10 ruux oo uu ku jiro wasiirka ayaa la dilay, xili tobanaan kale oo badankooda ah shaqaale dowladeed ay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo ay ka dhalatay daqiiqado la haystay dhismaha.

Marka loo eego qaabka uu u dhacay weerarkaasi ayaa lamid ah kuwa ay horey u fuliay Al-Shabaab oo midkii ugu dambeeyay ay ku beegsatay huteelka Maka Al-Mukarama bishan halkaasoo ay ku dishay 30 ruux.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa cambaareeyay dhacdadaasi, oo timid mid kamid ah bilooyinka uu ugu liito amniga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM