Wasiir shaki geliyey inuu xal keenayo wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo dood badan ay ka taagneyd in wadahadalkii telefoonka ee madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, hadana waxaa arrinta holac kusii shiday Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka caalamka ee Soomaaliya, ayaa tibaaxay in wadaxaajoodkaas uusan damaanad qaadi karin xal kama dambeys ah oo laga gaaro isqabqabsiga labada dal.

Intii lagu guda jiray wareysi dhinacyo kala duwan ka hadlaya oo uu siiyey VOA-da ayuu hadalkaas ka dhawaajiyey.

"In labada madaxweyne isla hadlaan ama mas'uuliyiinta labada dhinac wadahadlaan waxay qeyb ka tahay hagaajinta iyo xoojinta xiriirka, talaabooyin kalena in lagu sii daro way haboon tahay," ayuu yiri.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa horey u yeeshay wadahadalo badan, wallow qodobadii kasoo baxay la fuliyey haddana ma aysan ka dhalan xal waara.

Tusaale ahaan wadahadalkii u dambeeyay oo ay Nairobi ku yeesheen sanadkii hore waxay ku shaaciyeen in caadi lagu soo celiyo xiriirka labada dal, balse mar kale waxaa soo ifbaxay khilaaf xoogan.

"Isla hadalka madaxweyneyaasha wax badan buu daaweyn karaa, laakiin ma jirto wax hubaal ah oo ah in aanu khilaaf kale dhici doonin, marka isu imaanshiyahooda, wadahadalkooda iyo ergada ay soo direen Kenya waa bilow fiican," ayuu ku daray wasiir Cawad.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyaddoo la filayo in uu Farmaajo u socdaalo Nairobi si uu ugala hadlo arrinta xuduudka iyo xiisada Jubaland.

Guddi heer sarre ah oo ay labada hogaamiye u saarnaa qabanqaabada safarkaas ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay isla meeldhigi doonan taariikhda booqashadda oo aan wali si rasmi ah daaha looga rogin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM