Wasiir sheegay in ay DF Soomaaliya "u garba duuban tahay Al-Shabaab"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda dowlada federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa difaacay hadalka madaxweynaha oo ahaa in xayiraada hubka ay caqabad ku tahay tirtirka Al-Shabaab.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya, oo ka hadlay Shirka 33aad ee Midowga Afrika, ayaa ku baaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado dalka si uu uga adkaado maleeyshiyaadkaas.

"Madaxweynaha wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gacmaha gedaal uga xiran tahay [u dharba duuban tahay] Al-Shabaab, waana dhab," ayuu wasiir Cawad u sheegay Telefishinka BBC-da.

Soomaaliya waxaa mamnuuc ka ah in ay soo iibsato hubka culus kadib dagaalkii sokeeye ee boqolaalka ruux galaaftay.

Guddi ka socda Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah ula socda xaalada dhaqdhaqaaqa xayiraada hubka Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in dowladda ay qaab suuq madow ah kusoo iibsato hub, balse waxaa arrintaasn meesha ka saarey Cawad.

Diblumaasiga ugu sareeya arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday nooc hub ee waddanka u baahan yahay si uu uga takhaluso Al-Shabaab oo uu xusay "in aan looga caalwaayin dagaalka milatariga".

Dowladda ayuu hoosta ka xariiqay in ay diyaar tahay wada-hadalo ay la gasho horjoogeyaasha ka tanaasula fekerkaas xagjirnimada.

Mar la waydiiyey in dalku awood u leeyahay in uu xakameeyo hubka hadii uu soo iibsado ayuu raaciyey "waan xakameyn karnaa, waxaana diyaarinay qaab fiican oo guddiga khubarada soo dhaweeyeen".

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la tilmaamay in ay helaan hubka iyo dareeska ciidanka, taasoo kamid ah caqabadaha hortaagan in xayiraadda lasoo afjaro.

Gabagabadii, wasiir Cawad oo Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ku booriyey in ay dib u eegto ayaa ku adkeysatay in ay sii wadayaan ololahooda ku saabsan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM