Wasiir: Soomaaliya way ka dhici kartaa sidda Afghanistan

Image
Wasiiru-dowlaha tacliinta xukuumada xilgaarsiinta, Cabdiraxmaan Jaabiri. [Photo: MoE]

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbedelka hogaan ee ka dhacay waddanka Afghanistan way ka dhici karaan gudaha Soomaaliya, sida uu saadaaliyey wasiir ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Jaabiri, wasiiru dowlaha tacliinta oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey Muqdisho, ayaa adkeeyay sida ay muhiim u tahay "in aan cashar ka barano waxa ka dhacay Kabul".

Sida laga soo xigtay Jaabiri, lama dafiri karo in ay isku mid yihiin xaqiiqooyinka ka jira Afghanistan iyo kuwa ay wajaheyso Soomaaliya "balse waxaa muhiimadu tahay in aan dib-u-fekerno".

"Waxa aan ka baran karno Afghanistan waa in aan dalkeena dhisano. Waxa ka dhacay Afghanistan waa mid tusaale loogu soo qaadan karo dalkeena. Haddii aanan dib-u-fekerin, baaritaan ku sameyn kulana xisaabtamin dowladda ciidanka aan haysano, waxa ka dhacay Afghanistan way ka dhici karaan dalkeena Soomaaliya," ayuu yiri.

Jaabiri ayaa cod dheer wuxuu ku baaqay "in aan meel uga soo wada jeesano dadka wata fekerka khalafsan ee ka jira Soomaaliya". Balse ma uusan magacaabin shaqsiyaadkaas uu eedeeyay.

Isaga oo ka hadlyay shir-weynaha 4aad ee Daawada iyo Sayniska Caafimaadka ee maanta ka furmay Muqdisho, Jaabiri ayaa ku nuux-nuux-saday in "dal ajanabi ah uusan dhisi karin dowlad burburtay".

Taliban ayaa todobaadkan waxay 20-sano kadib ay dib ugu soo laabatay xukunka Afghanistan kadib markii uu Mareykanka ciidamadiisa kala baxay kuna doodey in uu "gaarey hadafkii uu lahaa".

Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 1991-dii waxay la halgameysaa sidii ay mar kale cagaheeda dib isugu soo taagi lahayd iyaga oo kaashaneysa taageero shisheeye wajahaysana khataro ay ugu weyn yihiin argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM