Wasiir uga digay Mursal inuu wax ka bedelo go'aankii lagu kala diray Guddiga Maaliyadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya, ahna Xilldhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa difaacday go’aankii shalay lagu kala diray Guddiga Maaliyada Aqalka.

Ku xigeenka afhayeenka Wakiilada Rayidka, Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa shalay oo Arbaco ahayd qaatay go’aankaasi, kaasi oo ka dhex-dhaliyay mudanayaasha Gollaha buuq iyo khilaaf horleh.

Sharci-dejiyaal ka hadlay talaabada Muudey, taasi oo ay sharci daro ku tilmaameen, ayaa xusay in Afhayeenka Gollaha oo dalka ka maqan aanu waxba kala ogayn, islamarkaana uusan ku raac-saneen.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo kamid ah xubnaha naqdiyay go’aanka Muudey ayaa daboolka ka qaaday inuu wadahadal dhinaca telafoonka ah uu la yeeshay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, uuna usheegay inuu kasoo horjeedo.

Mursal oo hadda safar ugu maqan Turkiga ayaa la sheegay inaysan ku qanacsaneyn go'aanka Muudey, uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda, waxaana suurta-gal ah in markii uu kusoo laabto dalka go'aan kala uu ka qaatey kiiskan.

Hasa yeeshee, Wasiir Khadiija oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook, oo umuuqatay mid ka jawaabeysay Xilldhibaanadda ayaa si cad daaha uga rogtay in xitaa hadii uu dalka dib ugu soo laabto Mursal aanu isbedal dhici doonin.

Khadiija ayaa ku tilmaamay Muudey inuu yahay "hogaamiyaha Aqlamiyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya" taasi oo xoojisay shaki xoogan oo laga qabalay faragelin ay xukuumadda ku hayso Gollahaan.

“Imaanshiyaha gudoomiye Mursal waxba kama bedalayso qoraalka uu ku saxiixan yahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiwali Ibraahim Muudey,” ayay qoraalka ku tiri Khadiijo.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili Khayre lagu eedeeyay inuu gedaal ka riixayo talaabada lagu kala diray Guddiga Maaliyadda, taasi oo timid markii warbixin musuq-maasuq ay kusoo oogeen Wasaarada Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku caan baxday difaacidda qorshooyinka Xukuumadda ay kamidka tahay, iyadoo si aad ah uga qeyb qaadatey mooshinkii lagu riday Jawaari horaantii sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM