Wasiir uu shaqada ka eryay Khayre oo hadlay [Muxuu sheegay?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, Cabdi Casiis Saalax [Carmaan], ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka qaadis uu ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Carmaan oo shaqada laga eryay 26-kii July ayaa waxa uu ka tirsan yahay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo xilka qaadista uu ku sameeyay Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya.

"Waxaan ku farax-sanahay xilka qaadista leygu sameeyay, waana soo dhawaynayaa. Maxaa yeelay waxaan ogahay in xilka uu yahay meerto, qof walba oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inuu la shaqeeyo dowladda," ayuu Carmaan hadalkiisa raaciyay.

Mar wax laga weydiiyay Xilldhibaanka hadii uu ogyahay sabab gaar ah oo xilka uu ku waayay oo ay kamid tahay eedaymo musuq maasuq ama qodobo kale ayuu ka gaabsaday, isaga oo cadeeyay inaanu ogayn sabab gaar ah oo xilka looga qaaday.

Xildhibaan Carmaan ayaa mar kale la su'aalay hadii loo sameeyay balanqaad, ayuu gaashaanka ku dhuftay, isaga oo cadeeyay inaanu jirin arrinkaas, wuxuuna tilmaamay in arrinta kaliya ee uu u ogolaaday xilka qaadista ay tahay inuu xilku yahay meerto.

Hadalka Xilldhibaan Cabdi Casiis Saalax [Carmaan], ayaa kusoo beegmayaa xili maalmihii dame ay isa soo tarayeen xilka qaadista uu Khayre ku sameynayo wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada, taasoo dad badan ay dhaliileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM