Wasiirada oo ansixiyey hanti-dhowraha guud iyo laba hindise-sharciyeed

Image
Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah "aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay".

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.

Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah "aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay".

Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

Wasiirka koowaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.

Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Dhanka kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM