Wasiirada oo ansixiyey miisaaniyada 2023 iyo heshiisyo difaac

Image
Is-araggan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa guddoomiyey Xamse Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan xasaasi ah waxay ku yeesheen Muqdisho kaasoo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Shirkan ayaa wasiiradda waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha, wuxuu golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda.

Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM