Wasiirada oo ka shiray dhibaatooyinka wadeyaasha Bajaajta

Image
Image
Image
Golaha ayaa adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Khamiista maanta ah qabsoomay ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kulankan ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xog-wareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.
 
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
 
Golaha ayaa adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM