Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiis lala galay Sacuudi Carabiya

Image
Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Dhiirri-gelinta is-dhaafsiga cilmi-baarista iyo daraasadaha ka-hortagga musuq-maasuqa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga la-dagaallanka musuq-maasuqa, kaas oo dhex maray Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS iyo Hay’adda Korjoogtaynta iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Dhiirri-gelinta is-dhaafsiga cilmi-baarista iyo daraasadaha ka-hortagga musuq-maasuqa.meel-marinta sharciga, baarista, daba-galka iyo dib-u-soo-celinta hantida lagu helay musuq-maasuqa.qabashada tababarro iyo wadaagista khibradaha, iyo arrimo muhiim u ah Ladagaalkan musuqmaasuqa.

Wasiir Xasan Macalin ayaa ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta heshiiska is-afgaradka iskaashiga la-dagaallanka musuq-maasuqa,

Heshiiskaan ayaa ka turjumaya danaha wadajirka ah ee JFS iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuuna billaw u yahay iskaashi miro-dhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM