Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiis lala galay Sacuudi Carabiya

Image
Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Dhiirri-gelinta is-dhaafsiga cilmi-baarista iyo daraasadaha ka-hortagga musuq-maasuqa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga la-dagaallanka musuq-maasuqa, kaas oo dhex maray Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS iyo Hay’adda Korjoogtaynta iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Dhiirri-gelinta is-dhaafsiga cilmi-baarista iyo daraasadaha ka-hortagga musuq-maasuqa.meel-marinta sharciga, baarista, daba-galka iyo dib-u-soo-celinta hantida lagu helay musuq-maasuqa.qabashada tababarro iyo wadaagista khibradaha, iyo arrimo muhiim u ah Ladagaalkan musuqmaasuqa.

Wasiir Xasan Macalin ayaa ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta heshiiska is-afgaradka iskaashiga la-dagaallanka musuq-maasuqa,

Heshiiskaan ayaa ka turjumaya danaha wadajirka ah ee JFS iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuuna billaw u yahay iskaashi miro-dhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM