XFS oo meelmarisay miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka 2018

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018.

Wasiirka maaliyadda ayaa golaha uga war bixiyay natiijadii wanaagsaneyd ee shirkii dhawaan Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad ee SPM4 iyo qorshaha dalka deynta looga cafinayo

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay.

Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan.

Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada maanta goluhu ansixiyayna waxa ay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 Milyan oo doollar.

Inta Badan Kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar

Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar.

Isbedelka guud ee dhanka kharashka ah ee ku yimid ku talagalkii miisaaniyadda 2019, waxaa qayb ka ah 9.5 Milyan oo ku korortay mushaaraadka iyo gunnada ciidamada iyo macallimiinta, 6 milyan oo loo qorsheeyeey maamulka hawada gudaha dalka kusoo wareegay.

Intaasi waxaa wehlisa , 8 Milyan oo dheeraad ah oo dowladda dhexe u qorsheysay dowlad gobaleedyada iyo 8 milyn oo dhisme iyo iibin dhulal iyo dhisme safaareed loo qorsheeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM