Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ku wajahan Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiradda arrimaha dibadda dowladaha Somalia, Eithiopia iyo Eritrea ayaa kusii jeeda dalka Jabuuti, xilli madaxda saddexdan dal ay ku shirayaan magaalada Asmara.

Saraakiil katirsan dowladda Federaalka ayaa warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay socdaalka Wasiiradda arrimaha dibadda ee wadanka Jabuuti, iyadoo aan wali la shaacin sababta hall mar ay u wada booqanayaan dalkan, oo colaad kala dhaxeysa Eritrea.

Eritrea iyo Jabuuti ayaa isku haya dhul ku yaalla xadka ay wadaagaan "Buurta Dumeira Mountain iyo Jaziiradda Dumeira], halkaasi oo ciidamada labada dal ay ku dagaalameen sanadkii 2008.

Madaxweyniyaasha Somalia iyo Eritrea oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia ayaa shir saddex geesood ah ku leh magaalada Asmara, iyagoo xalay kala saxiixday heshiis ku saabsan is-dhexgalka ganacsiga dalalkooda.

Jabuuti oo ku taalla gobolka Geeska Africa islamarkaana colaad kala dhaxeysa Eritrea ayaan ka muuqan isbedellada iyo is-gaashaanbuursiga ay sameynayaan dalalka gobolka, sababtoo ah xiriirkeeda Eritrea oo aan wanaagsanayn.

Sidoo kale, xiriirka dowladda Federaalka ah ee Somalia iyo Jabuuti ayaa mugdi soo kala dhexgalay, islamarkaana u billowday khilaaf siyaasadeed wixii ka dambeeyay booqashadii Farmaajo ee bishii July ee dalka Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM