Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirada arimaha dibada dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku kulmeen magaalada caasimada ah ee Nairobi, sida ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed.

Fahfaahinta qodobadii ay kaga wadaxaajoodeen kulanka ayaanan wali si rasmi ah loogu soo bandhigin saxaafadda madaxa banaan.

Wararka ayaa sheegaya in is-aragaga diblumaasiyiinta lagu soo qaadey xaaladihii u dambeeyay ee labada waddan ka taagnaa.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in kulankaan uu ka dhashay wadahadalkii ay telefoonka ku yeesheen hogaamiyeyaasha labada qaran.

"Waxaan si qoto dheer kaga wadahadalnay xiriirkeena labada geesoodka ah, iyo ammaanka xuduudka," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Shirkaas ayaa imaanaya iyaddoo qorshuhu yahay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhowaan booqasho ku gaaro Nairobi.

Socdaalkaas ayaa qeyb ka ah dedaalo dhinacyo kala duwan ka socda oo lagu qaboojinayo xiisadda ka taagnaa xuduudka labada dal iyo tan diblumaasiyadeed ee ka dhalatay dacwadda badda ee taala ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM