Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirada arimaha dibada dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku kulmeen magaalada caasimada ah ee Nairobi, sida ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed.

Fahfaahinta qodobadii ay kaga wadaxaajoodeen kulanka ayaanan wali si rasmi ah loogu soo bandhigin saxaafadda madaxa banaan.

Wararka ayaa sheegaya in is-aragaga diblumaasiyiinta lagu soo qaadey xaaladihii u dambeeyay ee labada waddan ka taagnaa.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in kulankaan uu ka dhashay wadahadalkii ay telefoonka ku yeesheen hogaamiyeyaasha labada qaran.

"Waxaan si qoto dheer kaga wadahadalnay xiriirkeena labada geesoodka ah, iyo ammaanka xuduudka," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Shirkaas ayaa imaanaya iyaddoo qorshuhu yahay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhowaan booqasho ku gaaro Nairobi.

Socdaalkaas ayaa qeyb ka ah dedaalo dhinacyo kala duwan ka socda oo lagu qaboojinayo xiisadda ka taagnaa xuduudka labada dal iyo tan diblumaasiyadeed ee ka dhalatay dacwadda badda ee taala ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM