Wasiiradda Hir-Shabelle oo la dhaariyay

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa galabta lagu dhaariyay magaalada Jowhar Golaha cusub ee wasiirrada Hir-Shabelle, kuwaasi oo maalmo kahor uu ansixiyay Baarlamaanka maamulkaasi.

Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Cosoble, ku xigeenkii iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ka qeyb-galay munaasabada dhaarta.

Madaxweyne Cosoble, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka usoo bandhigay Barnaamijka xukuuamaddiisa ku shaqeyn doonto 4 sano ee soo socoto.

Golaha Wasiiradda cusub ayuu kula dardaarmay Madaxweynuhu, inay gutaan waajibaadka loo doortay oo ah inay u adeegaan shacabka HirShabelle.

Cosoble, ayaa balan-qaaday waxqabad iyo hufnaan, isagoo hoosta ka xariiqay in 100-ka maalmood ee soo socda uu la imaan doonoo isbedel la taaban karo.

Wasiirrada Hir-Shabelle oo ka kooban 52 xubnood, oo isagu jiro wasiirro, ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Cosoble bishii lasoo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM