Wasiiradda Rooble oo eryay agaasimeyaasha laba hay'adood

Image
Wasiiradda ayaa magacaabidan ku meelmariyeen kadib shir deg-deg ah oo maanta ay ku yeesheen Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay isku raaceen in Cabdiqaadir Cilmi Cabdul loo magacaabo gaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jindiyadaha qaranka.

Wasiiradda ayaa magacaabidan ku meelmariyeen kadib shir deg-deg ah oo maanta ay ku yeesheen xafiiska wasiirka koowaad ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabdul oo bedelaya Maxamed Aadan Koofi ayaa, sida Garowe Online u xaqijiyeen illo wareedyo loo qaateen ah, waxay si dhow isugu dhow yihiin ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Geesta kale, golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Eng.Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Dhanka kale, Rooble ayaa magacabay gudiga fulinta wareegtadii madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ee ilaalinta dhulka danta guud, kaa oo ka kooban;

1) Wasiirka Arimaha Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye

2) Wasiirka Cadaaladda: Cabduqaadir Maxamed Nur

3) Wasiirka Amniga: Cabdulaahi Maxamed Nur

4) Wasiirka Waxbarashada: Cabdulaahi Carab

Farmaajo ayaa todobaadkii hore wuxuu soo saarey wareegto uu ku sheegayo in ay sharci darro tahay in dhul la iibiyo, la kireeyo ama maalgashi ay ku sameeyaan Soomaali iyo ajaaniib labaduba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM