Wasiir Islow oo xilalkii ka qaadey Taliyaal [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow "Ducaalle", ayaa maanta xilalkii ka qaadey Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida degmada Xamarweyne.

Taliyaashan ayaa xilka looga qaadey inay soo qaban waayeen ragii dilay 27kii Bishii hore loogu geestay Degmada Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka iyo sidoo kale xoghayihii Ururkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay in xabsiga la dhigay 12 Askari, oo ku sugnayd Baro Koontarool oo ku dhaw goobta dilka uu ka dhacay, oo ku taalla degmada Xamarweyne, ee gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa todobaadkii tagey sheegay inuu xilalkooda ay ku weyn doonaan Taliyaasha degmada uu weerarka ka dhacay ama isaga is-casili doono, hadii aan lasoo qaban kuwa dilalka gaystay.

Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmaysa, xilli uu Wasiirka Amniga kasoo muuqday Liiska Wasiirro dhowr ah, oo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado, isagoo isku shaandheyn ku sameynayo Gollahiisa Wasiirada.

Warsidaha Garowe Online ayaa 28-kii September soo bandhigay Macluumaad hoose, oo muujinaysa Wasiirada Ra'iisul Wasaare Khayre Miiska uu saaran inuu xilka qaadis ku sameeyo. Halkan ka akhri Warbixinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM