Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo Muqdisho soo gaarey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Eritrea oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa waxay saaka oo Isniin ah ay soo gaareen Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa Wafdi kusoo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loo galbiyay Wafdiga, halkaasoo la filayo inay kulamo kula yeeshaan masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxwaynaha dalka Maxamed Farmaajo iyo xubno kale.

Kulamadda ay wada qaadan doonan ayaa lagu wadaa inay diiradda ku saaraan qodobo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labadda geesoodka ah ee labadda dal.

Booqashadda uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Eritrea oo ku yimid Magaaladda Muqdisho ayaa daba socotay safar uu bishii hore ku tagay dalkaas Madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intii uu Farmaajo ku sugnaa Magaaladda Casmara waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay Madaxwaynaha dalkaas oo ay kawada hadleen qodobo muhiim ah, iyagana heshiisyo dhinacyo kala duwan taabanaya isla gaarey.

Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea uu ku yimid Muqdisho oo ah mid aan lasii shaacin ayaa waxaa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo masuu xukuumada Asmara ka socda ku yimaado Muqdisho, tobanaan-sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM