Wasiirka arrimaha dibadda Italy oo kusoo wajahan Muqdisho

Image
Image
Image
Tani ayaa ka dambeysay markii marti-qaad booqasho rasmi ah uu ka helay dhigiisa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa safar shaqo ku tagay caasimadda Rome ee dalka Talyaaniga.

Cali ayaa wuxuu kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee waddanka Talyaaniga, Luigi Di Maio, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaaliya iyo Talyaaniga.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka labada dal ku qotoma dhinacyada diblomaasiyadda, waxbarashada iyo dhaqanka.

Wasiir Cali ayaa dhiggiisa dalka Talyaaniga u fidiyey martiqaad ku saabsan in uu booqasho ku yimaaddo Muqdisho, si loo dardar geliyo iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga soojireenka ah ee Labada Dal, isaga oo Wasiir Luigi Di Maio aqbalay casuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM