Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warbixiyay daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”

Image
Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadda daahfurka.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”.

Wasiirka ayaa Khudbad ka jeediyay munaasabadda uga hadlay Is-waafajinta Mabaadi'da Nabadda iyo Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran ee (NRF).

Wuxuu hadaljeedinta ku sheegay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan iyo dhaqammo kala duwan leh hadana yoolkoodu yahay in nabad iyo xasilooni lagu dabaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in hey’adda “Principles for Peace” ay u ololeyso nabad-dhiska isaga oo soo qaatay miisaanka iyo qiimaha ay u yeeleyso ka mid ahaanshiyaha marwo Dr. Khadiija Cosoble Cali ee maamulka sare ee hey’adda.

Munaasabadan ayaa kusoo aadaysa iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo gabogabeysay dib u eegista Hannaanka Dib-u-heshiisiinta Qaran (NRS)kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daahfurayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM