Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warbixiyay daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”

Image
Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadda daahfurka.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”.

Wasiirka ayaa Khudbad ka jeediyay munaasabadda uga hadlay Is-waafajinta Mabaadi'da Nabadda iyo Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran ee (NRF).

Wuxuu hadaljeedinta ku sheegay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan iyo dhaqammo kala duwan leh hadana yoolkoodu yahay in nabad iyo xasilooni lagu dabaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in hey’adda “Principles for Peace” ay u ololeyso nabad-dhiska isaga oo soo qaatay miisaanka iyo qiimaha ay u yeeleyso ka mid ahaanshiyaha marwo Dr. Khadiija Cosoble Cali ee maamulka sare ee hey’adda.

Munaasabadan ayaa kusoo aadaysa iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo gabogabeysay dib u eegista Hannaanka Dib-u-heshiisiinta Qaran (NRS)kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daahfurayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM