Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa ugu sareeya IOM

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Madaxa ugu sareeya Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM).

Wasiir Juxa iyo Madaxda IOM aya kawada hadlay arrimo badan, oo ay kamid yihiin Dadka Soomaalida ah ee laga soo celinayo dalalka Dibadda ah iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Tahriibka.

Juxa ayaa ka codsaday IOM in Dowladda Somalia laga Gacan siiyo joojinta Tahriibka iyo in Barnaamijyo ay kaga Maarmaan in Dalal dibadda ah naftooda halis u geliyaan dhalinyaradu.

Waxay isla soo qaadeen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinta.

Wuxuu xusay Juxa  in Dowladda Federaalka Somalia ay sameysay Qorshe Cad oo wax loogu qabanayo dadka Dib loogu soo celinayo dalka, oo loo abuuri doono shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan.

Hay'adda IOM ayaa balanqaadey inay ka caawinayso dowladda dhibaatooyinka dhinaca socdaalka ee ay uga wada hadleen Kulankooda, oo kusoo beegmaya xilli Jimcihii lasoo dhaafay la keenay Muqdishu 67 qof oo laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM