Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyey dil ay geysteen ilaaladiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, ayaa xaqiijiyey in askariga xalay dilka ka geystay Muqdisho uu ka tirsanaa ilaaladiisa gaarka ah.

Xuseen oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa shaaciyey in askariga uu falkaas geystay xilli uusan isaga la socon. Balse ma uusan kala caddeynin hadii uu fasax kaga maqnaa shaqadda iyo in kale.

Toogashadda ayaa xalay fidkii laga soo wariyey aaga Taree Biyaano, nawaaxiga isgoyska KM4 ee magaala madaxda waddanka.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdiqaadir Cilmi ayaa kamid ahaa howlwadeenadda xafiiska xeer-ilaaliyaha Qaranka. Wararku waxay sheegayaan in uu ahaa agaasimaha waaxda IT-ga.

"Waxaan dareemaynaa xanuunka ay dareemayaan [qoyskiisa]. Nin nala shaqeynayey buu ahaa bahda cadaaladda ayuu ka tirsanaa, waxaana rajeynaynaa in uu cadaalad heli doono," ayuu Xasan yiri.

Ciidanka ayuu faray in ay iska dhowraan waxyeeleynta cid walba. Taliyeyaashooda ayuu sidoo kale xusuusiyey in ay gutaan waajibaadkooda ayna baraan askarta badbaadinta dadka iyo naftooda.

Askariga falka sameeyay oo ka tiranaa Asluubta ayaa ku xiran xarunta dambi baarista ee CID-da, sidda laga soo xigtay wasiirka, oo intaas ku daray in uu baaritaan socdo, lana baahin doono natiijadda.

Illaa hadda, ma cadda sababta keentay in uu askariga ku lug-yeesho falkaas. Balse, markii uu rasaasta ridday ayna haleeshay marxuumka wuxuu isku dayey in uu baxsado, waase la qabtay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa caasimadda Muqdisho kusoo badanayey dilalka ay ciidamadda dowladda geysanayaan. Inkasta oo la maxkamadeeyo, haddana waxaa aad u hooseysa tiradda lagu fuliyo xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM