Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Kalsoonida lagala noqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Dib u eegida iyo la socodka hergelinta Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu kalsoonida kala noqday Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

War qoraal ah oo uu soo saarey Gudiga ayaa lagu sheegay in Kalsoonidii wadasheyn kala noqday Wasiirka kadib markii uu afduubay, caqabadna ku noqday hanaanka dib u eegista Dastuurka Dalka.

Kalsooni kala noqoshada Cabdi Xoosh waxaa lagu wargeliyay Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoraalka oo ka kooban 6 qodob ayaa lagu xusay in Xoosh uu ka baxay Wadashqeyntii Gudiga, iyo inuu jebiyay qodobada dastuurka ee 133 iyo 134 oo sharaxaya wadada loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo doorka Gudiga.

Wasiir Xoosh waxa uu ka baxay heshiiskii wadashaqeynta oo marar badan Gudiga uu ka sameeyay tanaasul si howsha dib u eegista Dastuurka u socoto, isagoo taasina siinin wax xushmad iyo tixgelin ah.

Xoosh Jibriil ayaa sharcidarro ku tilmaamay miisaaniyadii ay Gollaha Shacabka u ansixiyeen gaar ahaan Madaxa miisaniyada ee dib u eegista Dastuurka taas oo uu sheegtay in Wasaaradiisa gooni u leedahay.

Gudiga ayaa tilmaamay in Wasiirka uu ku mashquulsan yahay in Dastuurka laga marin habaabiyo jidka saxda ah, islamarkaana ay Xukuumadda sameysato Dastuur aan loo marin dib u eegis bulshada kawada qeyb-qaadatay.

Ugu dambeyntii, Gudiga ayaa u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka inay tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado Wasiirka Dastuurka, oo uu sheegay inuu yahay shaqsi aan ku habooneyn shaqada uu hayo.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan Wasiirka ayaa uu baraha Bulshada ku aflagaadeeyay Afhayeenka Puntland Focus Group Ciise Maxamud Faarax 'Dhollowaa' kadib markii madasha ay soo saarey qoraal ay ku saxayso qaladaadkiisa dhanka shaqada.

Hoos ka akhri qoraalka Gudiga:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM