Wasiirka Difaaca iyo taliye Odowaa oo hortagey Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu hortegay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah.

Madax ka tirsan wasaaradda iyo taliyaha guud ee Ciidamadda Xoogga Soomaaliya ayaa ku wehliyey ka qeybgalka fadhiga xeer-dejinta.

Mas'uuliyiinta ayaa su'aallo laga waydiinayaa arrimo ay kamid yihiin; wax-qabadkooda iyo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolada ka socda.

Howlgaladda ayaa ujeedkoodu yahay sidii xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida looga saari lahaa degaanada wali ku hoos jira maamulka kooxdaas.

Waa wasiirkii afaraad oo ka tirsan xukuumadda Khayre oo hortaga Aqalka Hoose kadib markii loo yeeray, labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Fadhiga Isniinta maanta ah oo ay soo xaadireen Xildhibaano badan ayaa waxaa shir gudoominaya gudoomiye ku xigeenadda koowaad iyo labaad.

Wasiiradda Ammaanka, Duulista iyo Warfaafinta ayaa horey uga soo muuqday Golaha, waxaana dhamaantooda su'aallo laga waydiiyay amniga, warbaahinta dowladda iyo xayiraada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM