Wasiirka Difaaca iyo taliye Odowaa oo hortagey Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu hortegay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah.

Madax ka tirsan wasaaradda iyo taliyaha guud ee Ciidamadda Xoogga Soomaaliya ayaa ku wehliyey ka qeybgalka fadhiga xeer-dejinta.

Mas'uuliyiinta ayaa su'aallo laga waydiinayaa arrimo ay kamid yihiin; wax-qabadkooda iyo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolada ka socda.

Howlgaladda ayaa ujeedkoodu yahay sidii xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida looga saari lahaa degaanada wali ku hoos jira maamulka kooxdaas.

Waa wasiirkii afaraad oo ka tirsan xukuumadda Khayre oo hortaga Aqalka Hoose kadib markii loo yeeray, labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Fadhiga Isniinta maanta ah oo ay soo xaadireen Xildhibaano badan ayaa waxaa shir gudoominaya gudoomiye ku xigeenadda koowaad iyo labaad.

Wasiiradda Ammaanka, Duulista iyo Warfaafinta ayaa horey uga soo muuqday Golaha, waxaana dhamaantooda su'aallo laga waydiiyay amniga, warbaahinta dowladda iyo xayiraada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM