Wasiirka difaaca UK oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Ingiriiska, Gavin Williamson ayaa shalay oo Talaado ahayd booqasho aan horey loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Gavin Williamson oo ay wehliyeen mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UK ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka dhigiisa Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod).

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar ayaa sheegay in Gavin Williamson iyo Wasiirka difaaca DF ay kawada hadleen dib u dhiska Ciidamo tayo iyo awood leh, oo hanan kara mas'uuliyadda amaanka dalka, oo hadda ku tiirsan AMISOM.

Gavin Williamson ayaa ugu hambalyeeyay Farmaajo natiijada wanaagsan ee ka soo baxday shirka Brussels ee arrimaha Soomaaliya wuxuna ku booriyay inuu sii wado dib-u-habeynta siyaasada, dhaqaalaha iyo amaanka.

UK waxay ku dhiirigelinaysa beesha caalamka iyo AMISOM inay Soomaaliya garab istaagaan, si ay uga soo kabato colaaddii aafeysay 25-kii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana mar kale dib cagaheeda isagu soo taagi lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM