Wasiirka Gaashaandhiga oo loo digay in uu yimaado Maxaas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdi Waare ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada ayaa uga digay madaxweynaha in safarkiisa Maxaas ku wehliyo Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Isaga oo bartiisa "X" ka hadlaya waxa uu Ergaygu sabab uga dhigay digniintan arrimo amni, isaga oo su’aal ka keenay daacadnimada Wasiirka.

“Mudane Madaxweyne, degmada Maxaas ha keenin ninkan, shaqaalihiisa iyo kuwa ka masuulka ah guuldaradiii Cowsweyne iyo Galcad, si wanaagsan kuma dhamaan doonto.” Ayuu yiri Ergayga.

Siyaasiyiinta qaar ayaa ku eedeynaya Wasiir Cabdiqaadir inuu diiday talo ka timid taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo ku aadanayd in aan fariisin looga sameyn ciidanka deegaanka Cowsweyne, maadaama dabeecada dhulka ay u sahlayso ‘AS’ in ay weerar ku qaadaan.

Go’aankan ayaa sababay dhimashada ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga dalka, waxayna kooxda Al-Shabaab gacanta ku dhigtay qalabkii iyo gaadiidkii ay wateen.

Dhinka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in maalmaha soo socda u ambabaxo degmada Maxaas si uu halkaas uga hoggaamiyo howlgallada ka dhanka ah argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM