Wasiirka Gaashaandhiga oo loo digay in uu yimaado Maxaas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdi Waare ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada ayaa uga digay madaxweynaha in safarkiisa Maxaas ku wehliyo Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Isaga oo bartiisa "X" ka hadlaya waxa uu Ergaygu sabab uga dhigay digniintan arrimo amni, isaga oo su’aal ka keenay daacadnimada Wasiirka.

“Mudane Madaxweyne, degmada Maxaas ha keenin ninkan, shaqaalihiisa iyo kuwa ka masuulka ah guuldaradiii Cowsweyne iyo Galcad, si wanaagsan kuma dhamaan doonto.” Ayuu yiri Ergayga.

Siyaasiyiinta qaar ayaa ku eedeynaya Wasiir Cabdiqaadir inuu diiday talo ka timid taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo ku aadanayd in aan fariisin looga sameyn ciidanka deegaanka Cowsweyne, maadaama dabeecada dhulka ay u sahlayso ‘AS’ in ay weerar ku qaadaan.

Go’aankan ayaa sababay dhimashada ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga dalka, waxayna kooxda Al-Shabaab gacanta ku dhigtay qalabkii iyo gaadiidkii ay wateen.

Dhinka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in maalmaha soo socda u ambabaxo degmada Maxaas si uu halkaas uga hoggaamiyo howlgallada ka dhanka ah argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM