Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo is-casiley [Akhri Sababta]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta shaaciyay inuu iska casiley xilka wasiir-nimo, oo loo magacaabay November 2017.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu isku casiley ay tahay inuu u tartamo xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana warqadda Is-casilaadiisa u gudbiyay Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka aqbalay.

Maxaamed Mursal oo sidoo kale ah Xildhibaan ayaa Warqada istiqaalada u gudbiyey Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo uu hogaamiye Nuur Iidow Beyle.

Is-casilaadiisa ayaa ka dambaysay kadib markii Gudiiga doorashada uu ku xiray Wasiirada doonaya inay u tartamaan xilka Afhayeenka Baarlamaanka inay marka hore xilalka wasiir-nimo iska-casilaan, si ay tartanka doorashada uga qeyb-galaan.

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Saalim Caliyow Ibrow, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] iyo ku xigeenka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa shalay is-casiley, kuna biiray Musharaxiinta.

Lix Musharax ayaa ilaa hadda la diiwaangeliyay, kuwaasi oo wasiiro iyo ku xigeenno ay kamid yihiin, waxaana Gudiga doorashada uu maanta soo gaba-gabeynayaa howsha diiwaan-gelinta. Halkan ka akhri warka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM