Wasiirka difaaca Soomaaliya oo la shiray sarkaal Itoobiyaan ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka difaaca Xukumadda Xilgaarsiinta ah ayaa sabtida maanta ah Muqdisho ku shiray Gen. Tadesse Amelo Sieso, u-qeybsanaha Ciidamada ee Saafaradda Itoobiya ee Soomaaliya xilli khilaaf xooggan uu ka taaganyahay cidda qaadanaysa masuuliyada amniga dalka.

Wasiirka oo qoraal kooban ku haabiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay “in uu maanta kulan miro dhal ah la yeeshey wafdi uu hogaaminaayo u-qeybsanaha Ciidamada Saafaradda Itoobiya ee Soomaaliya Gen. Tadesse Amelo Sieso”.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in uu kala hadlay Sarkaalka howlgaladda amniga ee AMISOM, qorshaha kala guurka ah ee amniga qaran iyo Mustaqbalka amniga gobolka geeska Afrika.

“Waxaanna kawada hadalnay xaaladda guud ee labada dal, howlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qeyb katahay, Qorshaha Kala-guurka Qaranka (STP), iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan uga mahadceliyey dadaalada ay ku bixinayaan ladirirka Aragagixisada iyo nabadeynta guud” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Jaamac.

Kulankaan ayaa ku soo aaday xilli shir looga hadlayo doorashooyinka dalka uu ka socdo magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, iyada oo qodobada ugu adag ee shirka horyaalla uu qayb ka yahay amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM