Waa kuma Wasiirka lacagta u diray Sahra oo laga reebay doorashadda Australia?

Image
Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Macalin Khaliif. [Photo: Villa Soomaaliya]

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Macalin Khaliif, ayaa gabar Soomaali ah kuna nool dalka Australia u horseeday in laga reebo tartan ay u geli lahayd kamid noqoshadda baarlamaanka waddankaas.

Sida uu wariyey The Age, Khaliif oo adeer u ah haweenaydan ayaa u diray lacag taasoo xisbiga Liberal-ka oo ay xubin ka tahay sababtay in uu kala noqdo kalsoonida musharaxinimada kursi laga soo doorto waqooyi-bari caasimada Melbourne.

Lama soo bandhigin lacagta uu gaarsiiyey Sahra Mustaf oo kalsoonida xisbigeeda weyday Isniintii todobaadkan kuna fashilantay codsi ay gudbisay oo ahaa in ay iska soo joojisay lacagta markii guddi ka tirsan Liberal-ka uu ka saaray liiska.

Khaliif oo bedelay Xuseen Baqdaadi kaasoo hadda ah musharax madaxwayne ayaa kamid ah saaxiibada Fahad Yaasiin Daahir, madaxa hay’ada sirdoonka qaranka iyo gacanta midig ee madaxwaynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Farmaajo.

"Walaaca ma ahan in taageerada maaliyadeed ee Sahra ay gedaal ka riixeyso dano dowladda Soomaaliya ka leedahay baarlamaanka [Australia] balse waxaa walwalku daaran yahay in xisbiga Liberal-ka uu arrintan darteeda weerar siyaasadeed kala kulmi karo dhigiisa shaqaalaha," ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska.

Falcelinta Sahra Mustaf ee go’aanka xisbiga

Sahra oo u warantay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa "sharci darro" ku tilmaamtay in loo diidey in ay tartanto. Sidoo kale, waxay ku doodey in lacagta uu Adeerkeed ugu soo diray "maadaama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado".

"Waxa dhacay waa wax qalad ah, inay i dhaheen ma tartameysid, waxyaabaha ay ii dhaheena ay tahay wasiir adeer ii ah oo lix billood ka hor wasiir ka noqday Soomaaliya uu ii soo diray, oo hadyad ahaan maalmaha ciida ah ugu soo diray ilmaheyga maadaama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado," ayay tiri.

Iyadda oo sharaxeysa qaabka xisbigeeda ku ogaadey lacagta loosoo diray ayaaa xustey "aniga ayaa u sheegay oo daacad ah, waxaan u sheegay labo billood ka hor si aan sharciga u jabin oo aan u ilaaliyo".

Australia waxaa qasab ku ah musharaxiinta ku cusub xisbiyada in ay wajahaan shuruuc adag waxaana kamida in aysan taageero maaliyadeed ka heli jiray qaraabadooda ku sugan dibada.

Sahra waxay xisbiga ku biirtey sanad kahor waana sababta ay ugu baahatay in ay hesho ogolaanshiyo gaar ah si ay ugu tartanto xeerdejinta. Doorashadda baarlamaanka Australia waxay qabsoomeysaa dhamaadka 2021 ama horaanta 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM