Wasiirka Maaliyadda Jabuuti oo ku tilmaamay Fahad Yaasiin “nin dhimirka ka xanuunsan”

Image
Fahad Yaasin ayaa ku tilmaamay Geelle in uu mar walba doonayo in ay Soomaaliya ku jirto qalalaase joogto ah.

Jabuuti (GO) - Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eedo culculus uu dhawaan taliyihii hore ee Hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa uu intaasi ku daray: “Madaxweyne Geelle waxa uu Fahad iyo kooxdiisa u keenay xanuuno nafsi ah, taasina waxay keentay in fursad kasta oo ay helaan ku aflagaadeyaan Madaxweyne Geelle.”

Wuxuu hadalkiisa raaaciyay: “Hadii Ri Gedo ku geeriyooto waxaa dilay madaxweyne Geelle, hadii ay islaan da’ ah Muqdisho ku turunto, madaxweyne Geelle ayaa ka dambeeya.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in cayda Fahad aysan waxba ka baddeli doonin taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle sida uu hadalka u dhigay.

Fahad Yaasin ayaa qormo oo dhawaan baahiyay ku tilmaamay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu mar walba doonayo in ay Soomaaliya ku jirto qalalaase joogto ah.

Wuxuu sidoo kale ku sheegay qoraalkiisa in Madaxweyne Geelle oo kula taliyay Abiy Axmed in uu damco badda Soomaaliya si uu isaga leexiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM