Wasiirka Warfaafinta oo Iclaamiyay in dalku galay Xaalad degdeg ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dalka uu galay xaalad deg deg ah kadib fatahaado oo ku dhuftay gobollo ka mid ah dalka.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta Dawud Jaamac Aweys, waxaana ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo mas’uuliin kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay khasaaraha ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle iyo Jubba, iyadoo ay ku dhinteen 31 qof, waxayna sababtay barakac ballaaran iyo burbur soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha.

Hay’ado badan oo caalami ah ayaa sameeyay barnaamijyo gargaar oo loogu gurmanayo dadka dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay gobollada koonfureed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM