Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa meesha ka saarey in uu ku lug-leeyahay warqadii dooda dhalisay ee dhowaan uu baahiyey telefishinka Qaranka.

Maareeye oo war-saxaafadeed dheer soo qoray ayaa sheegay in wararkaas ay gedaal ka riixayaan dad uusan magacaabin dano siyaasadeed leh isla markaana "cuqdad u haya isaga shaqsi ahaantiisa".

Xilli bayaankiisa uu ahaa mid uu luuqad adag ku adeegsaday, shacabka Soomaaliyeed ayuu cod dheer kaga codsadey in aysan dhageysan "dadkaas sidda xun u adeegsada baraha bulshadda".

Warqadda fadeexada gelisay telefishinka qaranka ee galaaftay tifaftirihii Tv-ga oo ahayd xayeysiis shaqo ayaa waxaa lagu baadigoobayey laba gabdhood oo leh xirfad warbaahineed.

Faysal Muuse, tifaftirihii SNTV oo dowladdu shaacisay in xilka laga qaadey, ayaa dhankiisa tilmaamay in uu isagu is-casilay "kadib markii leysku dayey in dusha loo saaro qalad uusan isagu lahayn".

Dadweynaha iyo wariyeyaasha ka caroodey iidhehda ayaa xusay in ay ku jireen "erayo xun" oo loogu gefay haweenka Soomaaliyeed. Waxay sheegeen in xayeysiiska u qornaa in la doonayo "gabdho model ah".

Wasaaradda Warfaafinta oo dib u saxdey qoraalka ayaa raaligelin ka bixisay, waxayna sheegtay in "shaqaale uu si khaldan ku faafiyey warqadda isla markaana la marsiiyey anshax-marin, mana tusin magaca".

Hoos ka akhriso qoraalka Maareeye

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM