Wasiirkii Amniga Jubbaland oo laga qabtay madaarka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, ayaa maanta oo Sabti ah, laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sidda ay Garowe Online ogaadey.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayan in Mr Janan oo lagala wareegay telefoonadiisa iyo agabkiisa lagu xiray xarunta nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiija.

Janan oo ka yimid magaaladda Doolow halkaasi oo saraakiil ka tirsan dalka ciidamada Itoobiya uu kula soo kulmay ayaa wuxuu kusii jeeday Addis Ababa, caasimada waddanka Itoobiya.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa nan wali illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin xariga Janan, kaasi oo markii ugu dambeysay caasimadda horaantii sanadkan 2019-kii.

Dhinaca kale, warar hoose oo uu GO helay ayaa tibaaxaya in diyaarad maanta tegi lahayd Kismaayo kana soo bixi lahayd Nairobi la baajiyey guud ahaan duulimaadkeeda.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay ku amartay diyaaradaha tegaya caasimada KMG Jubbaland in ay soo maraan magaala madaxda si loo hubiyo.

Banaanbax looga soo horjeedo go'aankaasi ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Jubadda Hoose, iyadda oo dibad-baxayaasha ay codsanayeen in la qaado "go'doomintaasi".

Xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa dhowaanhaba ahaa mid aanan wanaagsaneyn, waxaana uu hoos ugu sii dhacay kadib doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM