Wasiiro ka tagey Muqdisho oo Lacag ku wareejiyay Axmed Madoobe

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wafdi Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa gaarey magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG Jubbaland, xilli uu jira khilaaf maamulkaasi kala dhaxeeyo dowladda Dhexe.

Wasiiradan oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulan aqalka Madaxtooyadda Jubbaland kula qaatey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wafdiga Xukuumadda ayaa lacag gaaraysa $250,000 [Labo Boqol iyo Konton Kun oo Dollar] ku wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud [Lugadheere] iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha maamulkaasi.

Lacagtan ayaa loogu tala-gali in lagu caawiyo dadka ay saameysay Fatahaadda ku dhufatay qeybo katirsan Jubbaland, iyadoo $150,000 kamid ah ay ahayd caddaan [Cash], lagu wareejiyay Luga-Dheere, halka inta kale lagu dhubay Akoonka Jubbaland.

Waa kulankii ugu horeeyay oo Wasiiro katirsan Xukuumadda Khayre la yeeshaan Axmed Madoobe tan iyo markii u dhawana dhaliil u jeediyay dowladda Federaalka, oo uu ku eedeeyay inaysan maamulkiisa waxbna u qaban tan iyo markii la doortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM