Wasiirrada Cusub Somalia oo ku kulmaya Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa la qorshaynayaa in magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kulankii ugu horeeyay ku yeeshaan wasiirrada cusub ee shalay la ansixiyay, iyagoo kawada hadlaya arrimo kala duwan oo ay ku jiraan amniga iyo abaaraha.

Shirkan ayaa ah mid inta badan ay yeeshaan golaha xukuumadda dalka Somalia maalinta Khamiista.

Waxaa la filayaa inuu shirkaas ka dhaco xafiiska Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’isal wasaaraha Somalia, ayaa iclaamiyay isu-imaatinka golahiisa xukuumadda, isagoo xusay inay muhiimadda koowaad siinayaan arrimaha abaaraha iyo wax ka qabasahda falalka amni darro ee ay inta badan fuliso kooxda Al Shabaab.

Khayre, ayaa xusay inuu ku kalsoonyahay galahiisa fulinta, wuxuuna ballan qaaday inuu jiri doono isla xisaabtan ku aadan u shaqaynta shacabka.

Wuxuu qiray inuu dhammaaday waqtigii ay dalka ka dhici jireen falalka argagixisada isagoo wasiirradiisa ugu baaqay inay si daacad ah ugu adeegaan shacabka.

Kulankan ayaa kusoo aaday maalin kadib markii ay heleen codka kalsoonida Barlamanka.

Xaflad xalay lagusoo dhaweynayay go’aanka golaha shacabka oo lagu qabtay Muqdishu, ayaa waxaa joogay Wasiirrada cusub ee Somalia, waxaana lagula dar-daarmay inay ka dhabeeyaan himilada shacabka iyo u adeegista qaranka dhibaataysan.

NB:- Wixii kasoo baxay kulankaas dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa hadii ALLE idmo

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM