​Wasiirro katirsan dowladda Somalia oo u dhoofay Sucuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia- War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in xubno katirsan golaha xukuumadda Somalia, ay u dhoofeen magaalada Riyaad ee xarunta boqortooyada Sacuudiga, wax yar kadib markii dowladda Somalia cadaysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka waddamada Khaliijka.

Ilaa lix wasiir ayaa lagusoo waramayaa inay diyaarad khaas ah ka raaceen garoonka Aadan Cadde si ay u tagaan ay kulamo ugu soo yeeshaan Riyaad.

Socdaalka ayaa wararku sheegayaan inay la xariirto hirgalinta iyo dhammaystirka mashaariic dowladda Sucuudigu ka fulinayso dalka Somalia, kaasoo ku baxaysay adduun lacageed oo gaaraya 4 Bilyan oo doollar.

Xubnaha dhoofay waxaa kamid ah; Wasiirka Qorsheynta Somalia, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga iyo xubno kale.

Socdaalkan ayaa ahaa mid aan horay loo siii shaacin, balse yimid xilli dhawaan Madaxweynaha Somalia uu dalka Sacuudiga ka helay ballan qaadyo ku aadan sidii looga taageeri lahaa xukuumaddiisa dib u dhiska dalka.

Waa xubnihii ugu badnaa oo katirsan golaha fulinta xukuumadda Xasan Cali Khayre oo safar dibadda ah u dhoofa.

Dhinaca kale arrintan ayaa la filayaa inay qayb ka tahay Mowqifka dowladda ka istaagtay Xiriirka  Qadar iyo muranka Khaliijka.

Somalia ayaa xiriir wanaagsan la leh dhammaan waddamada uu muranku ka dhextaaganyahay, waxaana qoraal soo daahay lagu sheegay inay ka qayb qaadanayso sidii arrimaha jira wada-hadal loogu dhammayn lahaa.

Dhinaca kale, xukuumadda Jabuti ayaa qoraal mar dhaweyd kasoo baxay ku sheegtay inay yaraysay xiriirkeeda Qadar, walow aan faah faahin dheeraad ah lagu darin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM