Wasiirro laga dalbaday inay is-casilaan iyo Khilaaf ka dhashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isku soo sharaxay doorashada xilka gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa laga dalbaday inay iska-casilaan xilalka wasiir-nimo.

Go'aanka oo kasoo baxay Gudiga KMG ah ee qaban-qaabada doorashada oo shalay la magacaabay ayaa waxa uu dhaliyay khilaaf cusub, kadib markii uu ka hor-yimid wasiirka arrimaha dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil.

Xildhiban Nuur Iidow, oo ah gudoomiyaha Gudiga doorashada ayaa sheegay in Wasiir kasta oo u tartamaya xilka gudoomiyaha Gollaha shacabka looga baahan yahay inuu is-casilo, islamarkaana warqada is-casilaada kala yimaado Ra'iisul Wasaaraha.

Cabdi Xoosh ayaa sharci darro ku tilaamay sharuuda lagu xiray Wasiirada Xildhibaanada ah ee doonaya inay ka qeyb-galaan doorashada Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

"Qodobka 59 (c) wuxuu farayaa in shakshi Xildhibaan ah uu jago dowladeed oo kabaxsan Wasiirnimo uusan qaban Karin markii uu qabtana uu jagadaas tanaazul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartami karaa isagoon is casilin laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka naqdo, Wasiirnimadii waa gubattaa," ayuu ku yiri Cabdi Xoosh qoraal uu soo higay bartiisa Facebook.

Labo Wasiir oo kala ah Gaashaandhigga Maxamed Mursal, Tamarta iyo Biyaha, Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ayaa isku soo sharaxay qabashada xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

Xildhibaano kale oo uu kamid yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa u taryamaha xilkan, oo loo gaar leeyahay inay qabteen Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada ayaa la filayaa inay ku qabsoonta mudo 15 maalmood gudahooda laga soo billaabo markii uu xilka iska-casilay Maxamed Cismaan Jawaari April 9, 2018, sida uu qabo Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM