Wasiiru dowlihii cadaalada HirShabelle oo u dhintay Covid-19

Image

JOWHAR, HirShabelle – Wasiiru dowlihii Cadaalada dowlad goboleedka Hirshabelle, Khaliif Muumin, ayaa lagu waramay ku geeriyooday magaaladda Muqdisho, sidda laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Muumin, oo sidoo kale ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas, ayaa ku jiray liiska sagaal ruux oo dhowaan Wasaaradda Caafimaadka ay shaacisay in ay dalka ku qaadeen xanuunkaa safmareenka ah.

Marka lagu daro Muumin, tiradda guud ee dhimashadda guud ahaan Soomaaliya ayaa noqoneysa laba qof, illaa iyo haatan.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka federaalka, ayaa xalay ka dhawaajisay in bukaanada laga helay caabuqa laba kamid ah ay xaaladooda liidato una baahan yihiin daryeel dheeraad ah.

Balse ma aysan carabaabin hadii uu ku jiray Khaliif Muumin iyo talaabada xigta oo ay qaadi doonan si loo badbaadiyo noloshooda.

Mas'uuliyiinta sar-sarre ee HirShabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ayaa tacsi u diray ehelada marxuumka.

Soomaaliya ayaa horey looga xaqiijiyey 21 kiis oo u badan dad lagu qaadsiiyey gudaha Muqdisho kadib markii ay xiriiro la sameeyeen bukaanadii horey uu u soo ritay. Shaqaale caafimaad oo afar ah ayaa ku jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM