Waa kuma maareeyaha cusub ee Hay'adda Duulista Rayidka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu Axmed Macalin u magacaabay in uu noqdon Maareeyaha guud ee Hay'ada Duulista Rayidka Soomaaliya.

Digreeto kasoo baxday Villa Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey magacaabida, iyaddoo loo rajeeyay in uu ku guuleysto waajibaadkiisa.

Cabdinur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Qaranka, ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo bandhigay taariikh nololeedka mas'uulka cusub oo u dhaceysa sidda soo socota;

Waxbarashadiisa ayuu ku qaatay magaaladda Muqdisho, isaga oo kamid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Mudane Axmed Macalin Xasan sidoo kale wuxuu kamid ahaa Dufcaddii ka qalin jabisay Machadka Duulista Rayidka ee Soomaaliya sanadkii 1990.

Maareeyaha cusub wuxuu sanadkii 1999 sidoo kale shahaado ka qaatay Dugsiga Duulista Hawada ee Bariga Afrika.

Sanadkii 2011 ayuu Shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master Degree) ee Maamulka Duulista Hawada ku sameeyay London Metropolitan University.

Axmed Macalin Xasan wuxuu ka shaqeeyay Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta, Garoonka Caalamiga ee Kotoka ee magaalada Accra, Ghana iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Waaya aragnimo 31 sano ah oo la xiriirta Duulista Rayidka oo 14 sano oo kamid ah uu la shaqeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO ayuuna leeyahay.

Magacaabida ayaa kusoo hagaageysa xilli maanta uu Farmaajo saxiixay sharciga duulista rayidka Soomaaliyeed. Si lamid ah, waxay imaaneysaa xilli lagu eedeeyay dowladiisa in ay siyaasadeysay maamulka hawadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM