Wax ka ogow arrimaha Farmaajo kala hadlay Amiirka Qatar [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DOHA - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Farmaajo ayaa shalay fiidkii ka degay Doha, oo safar shaqo oo qaadanaya labo maalmood ku jooga, waxaana la filayaa inta uu ku sugan yahay inuu kulamo kala duwan ka yeesho madaxda dalka Qatar, oo xiriir dhaw kala dhaxeeya.

Sida Villa Somalia sheegtay, Farmaajo iyo Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa'ido u leh.

Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, oo lacag dhan $200 oo milyan oo dollar ku baxdey.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda wadashaqaynta dhow ee ay leedahay dalkiisa, midnimada iyo dib u kabashada Soomaaliya ay sameynaysay sanadihii la soo dhaafay.

Kulankan waxaa Farmaajo ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Safiirka Soomaaliye ee Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Qatar ayaa Farmaajo ku taageertay dhaqaalo badan oo uu ku galay doorashadii 2017, waxaana hadda wararku sheegayaan inay ka shaqeynayso sidii uu dib ugu soo laaban lahaa xukunka, maadaama tartan kula jiro Musharixiin kale oo Imaaraadka lala xiriirinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM