Website-ka wasaarada ganacsiga oo dib hawada ugu soo laabtey

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii uu u muuqdey in la jabsadey saacadihii hore ee xalay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Barta internet-ka ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa dib hawada ugu soo laabtay xilli saacadihii hore ee xalay uu u muuqdey in ay jabsadeen kooxo burcad ah.

Mas'uuliyiinta wasaaradda ayaan wax fahfaahin ah ka bixin dhacdadan. Isku dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu wax uga waydiiyo qadiyaddan ayaanan gabi ahaanba guuleysan.

Illaa haatan, lama ogga cidda dhabta ah ee ka dambeysay jabsashadda website-ka wasaaradda oo muhiim u ah dalka gaar ahaan ganacsatadda ku sugan gudaha dalka iyo dibaddaba.

Ciwaanka wasaaradda ee barta internet-ka waa www.moci.gov.so. Markii fariimaha jabsashada soo ifbaxdey waxaa gabi ahaanba hawada laga saarey ciwaanka wallow hadda uu shaqeynayo.

Kooxaha jabsadey ayaa kahor inta aan hawada laga saarin waxay soo bandhigeen fariimo iyo qoraalo ay ku muujinayaan in ay guud ahaan la wareegeen maamulka mareegga.

Lama ogga haddii uu dhacay wadaxaajood kusoo dhamaadey is-faham ama haddii ay ahayd cilad farsamo oo qabstay mareega. Su'aalahan waa qaar kamid ah arrimaha ku gedaaman dhacdadan. 

Inta badan, wasaaradaha Soomaaliya ayaa ciwaanada ay ku leeyihiin internet-ka waxay u maamula Serves-ka u saaran shirkado gaar loo leeyahay maadaama uusan jirin mid dowladeed.

Tani ayaa dhabaha waxay u xaareysaa in ay shirkadaha oo aan la lahayn awood ay uga difaacaan kooxaha weerarka internet-ka kusoo qaada ay u nuglaadaan taasoo halis ku ah macluumaadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM