Website-ka wasaarada ganacsiga Soomaaliya oo la jabsadey

Image
Illaa haatan, lama ogga cidda dhabta ah ee ka dambeysa. Sidoo kale, wali wasaaraddu kama aysan hadlin dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Website-ka wasaaradda ganacsiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka jabsadey. Illaa haatan, lama ogga cidda dhabta ah ee ka dambeysa.

Sidoo kale, wali wasaaraddu kama aysan hadlin dhacdadan. Isku-dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu ula xiriiro mas'uuliyiinta wasaaradda ayaanan guuleysan.

Ciwaanka wasaaradda ee barta internet-ka oo ah www.moci.gov.so ayaa hadda hawada ka maqan. Sida muuqata waxaa talaabadan la qaadey markii burcadda ay u dhacdey.

Kooxaha jabsadey ayaa kahor inta aan hawada laga saarin waxay soo bandhigeen fariimo iyo qoraalo ay ku muujinayaan in ay guud ahaan la wareegeen maamulka mareegga.

Lama ogga haddii uu jiro wadaxaajood durba u bilowday burcada jabsatay website-ka iyo wasaaradda iyo tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan gorgortanka iyo inta uu qaadan karo.

Inta badan, wasaaradaha Soomaaliya ayaa ciwaanada ay ku leeyihiin internet-ka waxay u maamula Serves-ka u saaran shirkado gaar loo leeyahay maadaama uusan jirin mid dowladeed.

Tani ayaa dhabaha waxay u xaareysaa in ay shirkadaha oo aan la lahayn awood ay uga difaacaan kooxaha weerarka internet-ka kusoo qaada ay u nuglaadaan taasoo halis ku ah macluumaadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM