Weerar ay Al-Shabaab u maleegtay garoonka Baraawe oo "dhicisoobay"

Image

BARAAWE, Koonfur Galbeed – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa adeegsaday qaraxyo lagu soo rakibay laba gaari si ay ugu weeraraan garoonka diyaaradaha Baraawe, aroornimaddii Jimcadda maanta ah.

Garoonkan bishii hore uu furay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku dhow degaanka Embareeso oo qiyaastii 10 KM u jira bartamaha magaalada qadiimiga ah ee dhacda koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Cali Yuusuf, gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Baraawe, ayaa sheegay "in la fashiliyey weeraradaas ismiidaaminta ah".

Sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareed, ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM ayaa mid kamida gaadiidka qaraxyada sidday ku burburiyey meel madaarka u jirta 1 KM.

Sidoo kale, gaariga labaad ayaa ku qarxay qeybta baabuurta la dhigto ee garoonka, waxaana ka dhashay waxyeelo soo gaarey daaqadaha qeybta nasashada ee garoonka, sidda ay xogta muujineyso.

"Ku talgalkooda wuxuu ahaa in midkood uu is-qarxiyo, kan kelana uu soo galo, balse waxay u muuqdaan in la fashaliyey," sidaas waxaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online saraakiil.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa tibaaxay in ay askar AMISOM ah ku dileen qaraxyadda, wallow aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadooda.

Mitidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada laga saarey sanado kahor, balse waxay ku dhuumaaleystaan gudaha iyo hareeraheeda.

Dhinaca kale, Yuusuf ayaa beeniyey wararka sheegaya in qeybo kamid ah magaalada lagu garaacay hoobiyeyaal. Wuxuu adkeeyay in ay degan tahay xaalada meesha ay wax ka dhaceen.

Baraawe oo qiyaastii magaala madaxda waddanka ee Muqdisho u jirta 206 KM ayaa ah xarunta rasmiga ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, oo hadda ku howlan siddii uu halkaas ugu wareegi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM