Weerar culus oo lagu qaadey xero ay leeyihiin ciidamada AMISOM

Image

MARKA, Koonfur Galbeed – Maleeyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerareen saldhig ay gobolka Shabeellaha Hoose ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Saldhiga la beegsaday ayaa ku yaala degaanka Buufow Bacaad oo hoostaga magaalada Marka.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa guulo ka sheegtay duulaanka oo sababay iska hor-imaad.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan is-rasaaseynta oo kasoo baxay dhanka howlgalka Midowga Afrika.

Illaa iyo haatan lama tirakoobin khasaaraha guud ee labadda dhinac kasoo gaarey dagaalka culus ee dhexmaray.

Maamulka gobolka ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo dhacdadaan oo xalay lasoo wariyey.

Bilooyinkii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, oo qorshuhu yahay in ay sanadka dambe ka baxaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM