Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

CALAMADA - Iska hor-imaadka ayaa yimid markii Dabley ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degaanka Calamadda ee duleedka Magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Nuur Jimcaale Maxamuud, oo ka tirsan dadka ku nool Calamada ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in weerarka oo dhacay xalay Saqdii dhexe laysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana is-rasaasaynu socotay dhowr daqiiqadood.

"Dagaalka wuxuu ahaa mid culus, laakiin saacado kooban qaatay. Haa, rag Al-Shabaab ayaa duulaan kusoo qaaday Fariisinka ciidanka dowladda. Ma garan karno hadii uu khasaaro jiro," ayuu yiri Muxmuud oo kamid ah dadka degaanka Calamada.

Kooxda gacan saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaan ay ku dhishay Askar ka tirsan dowladda oo ay tiradooda ku tilmaamaty tabbaneeyo, inkasta oo aysan cayimin tiradooda saxda ah.

Taliska ciidanka xooga dalka wali wali kama aysan soo jawaabin sheegashadda Shabaab, inkasta oo xiriiro hoose oo uu isku deyay Warsidaha Garowe Online si ay uga jawaabaan aysan noo suuragelin inay ka jawaabaan wicitaankeena.

Fariisinta la wareeraray ayaa la tilmaamay in ciidanka dowladda ay Gaadiidka isaga kala goosha Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho iyo gobolka Shabeellah Hoose uga qaadi jireen Lacago canshuuro ah.

Horaantii sanadkaan ayay ahayd kadib markii weerar lagu qaaday isla fariisinka ciidanka xooga ay ku leeyihiin degaanka Calamadda, kaasoo ay sheegatay Al-Shabaab inay ku naf-goysay dhowr Askar oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM